Axmed Cabdi Dheere Oo Bilaabay Olole Uu Ku Raadinayo Kursiga U Sareeya Xisbiga KULMIYE
February 7, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa la sheegay in uu u xusul duuban yahay sidii uu u hanan lahaa guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirka Golaha Dhexe oo 23-ka bishan ka dhici doona Boorama.
Sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi Axmed Cabdi Dheere ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabay kulamo siyaasi ah oo uu taageero ku raadsanayo. Waxa uu taageero ka raadsanaya kuna qancinaya hankiisa siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ee ay isku degaanka yihiin.