Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Soosaarayo Isku Shaandhayntii Golaha Xukumadiisa Oo Baryahan La Hadal Hayay
February 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo Liiskii isku shaandhaynta cusub ee xukuumaddiisa oo muddooyinkii dambe oo dhan la hadal hayay iyada oo xogo arrintan la xidhiidhaa noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu dhammays tiray oo ku dhawaaqayo wax ka baddal uu ku sameeyo Golihiisa xukuumadda.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska FOORE xalay soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saarayo Liis muddoba Miiska u saarnaa oo ah isku shaaandhayn cusub oo uu ku sameeyo xukuumaddiisa taasi oo muddoba hadal haynteedu badnayd balse muddooyinkan damba yara shiiqday waxaanay wararkii ugu dambeeyey ee arrinkan xalay naga soo gaadhay tibaaxayaan in uu maanta ama maalmaha dhaw ee innagu soo aaddan Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono isku shaandhayn la filayo in ay ka dhumuc roonaato isku shaandhaymo hore oo aad u koobnaa oo Madaxweynuhu Golihiisa xukuumadda ku sameeyey dhawr jeer oo hore.