Ergeyga Turkiga U Qaabilsan Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Kulmay Xisbiga WADDANI
February 9, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa safarkiisii koowaad ee intii uu xilkan ku magacownaa magaalada Hargeysa khamiistii 7 da feeberweri 2019 ka, ku yimi Danjire Dr. Olgan Beker oo ah ergeyga ay dawl adda Turkigu u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib u bilowgeedu uu muddooyinkii u dambeeyey soo noqnoqonayey.
Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa Facebook faallo kooban kaga bixiyey kulankan ayaa sheegay in dunidu ay ol’ole ugu jirto in Somaliland ay doorashooyin qabsato iyo in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay u diyaar tahay in ay mar labaad isa soo horfadhiisiiso labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.