berberatoday.com
Maraykanka Oo Mucaawimadii Ugu Horeysay U Diray Dalka Venezuela
February 9, 2019 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Dawlada dalka Maraykanka ayaa mucaawimooyinkii ugu horeeyey u dirtay wadanka Finisweela , iyada oo ay mucaawimooyinkaasi gaadheen xuduudka dalkaasi Finisweela uu la wadaago wadanka Koloombiya , waxaana goobahaasi mucaawimooyinka gaadhsiiyey gawaadhi waaweyn oo laga lee yahay Maraykanka.

Dhankeeda dawladda dalka Finisweela ayaa xidhay xadka ay la lee dahay dalka Koloombiya, iyada oo ka hortegaysa mucaawimooyinkaasi ay soo dirtay dawladda Maraykanka oo kaashanaysa mucaaridka dawlada Finisweela kasoo horjeeda ee ku sugan wadankasi.

Madaxweynaha dalka Finisweela Nikolaas Maduuro ayaa isna ka hadlay mucaawimooyinkan uu Maraykanku usoo diray dalkiisa, isaga oo sheegay in aanay marnaba qaadan doonin mucaawimooyinkaasi, waxaanu ciidamada Militariyga u sheegay in aanay dadkoodu ahayn dewersadeyaal u baahan mucaawimooyinkaasi.

Dhinaca kalena shacab tiro badan oo reer Finisweela ah ayaa isugu soo baxay dariiqyada wadankaasi , iyaga oo soo dhoweynaaya mucaawimooyinka uu Maraykanku usoo diray dalkaasi Finisweela, waxaanay dalbanayeen in la ogolaado in mucaawimooyinkaasi gudaha usoo galaan dalka Finisweela si loo gaadhsiiyo dadka la liita Cunto yaraanta ka taagan dalkaasi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews