Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ergayga Uu Turkey-Gu U Magacaabay Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya+Daawo Sawirada
February 9, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.
Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.