Sir La Helay”Xukumada Oo Beesha Bariga Burco Warqad Usoo Siisay Dhismaha Dekeda Ceelgardi Iyo Waraaqaha Fadeexada Xambaarsan Ee Madaxtooyada Kasoo Baxaya+Xaaladii Ceelgardi Oo Dib Usoo Cusboonaatay
April 28, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.net/com)-Wasiirka kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed) ayaa isaga oo fulinaya amaro kaga imanaya aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inuu waraaqo ogolaasho ah soo siiyay horjoogayaasha beesha bariga Burco ee waayadan danbe ku hawlanaa dhismaha Dekeda sharcidarada ah oo laga bineeyo deegaanka Ceel Gardi oo masaafo 22 Km ujirta magaalada Berbera ee ay ku taalo Dekeda weyn ee caalamiga ahi, Warqadan ayaa la sheegay in bixinteeda uu soo amray Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo hadiyo jeer ka shaqeeya cunfiga iyo qabyaalada oo aanu qarsan kudhaqankeeda caana uuu kuyahay.