Haweenay Mareynkan Ah Oo Lagu Edeeyay Inay Iran Ka Caawisay Hawlo Basaasideed Oo Mareykanka Ah
February 14, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Sarkaal hore oo ka tirsaneyd ciidanka cirka ee Maraykanka, qeybtiisa sirdoonka, taas oo u carartay dalka Iran 6 sano ka hor ayaa lagu soo eedeeyey inay dawladda Iran siisay macluumad dhinaca militariga la xiriira oo aan la ogoleyn in la ogaado.
Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaadday in Monica Elfriede Witt oo 39 jir ahi ay dawladda Iran ka caawisay sidii ay u bartilmaamesan lahaayeen.
