War Deg Deg Ah”Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Laba Masuul
February 16, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland oo Baadhitaano hor leh ka waday Qaar kamida Xafiisyada Dawlada ayaa Saaka Subaxdii hore Xabsiga u Taxaabay Masuuliyiin kamida Laamaha dawlada.
Labada Masuul ee xabsiga Loo Taxaabay Saaka ayaa kala ah sida ay Noo Xaqiijiyeen Ilo u Dhuun Daloola Xafiiska Hantidhawrku Maareeyihii hore Madbacada Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo Agaasimihii maamullka iyo Lacagta C/kariin C/laahi Cumar.
Labadan Masuul Ayaa Loo Xidhay Falal Musuqmaasuq oo Ka Dhacay Xarunta Madbacada Qaranka Somaliland Mudadii Ay Joogeen,