“Waa Laga Yaabaa In Madaxweyne Biixi Isaga Oo Aan War Buuxa Ka Heyn Saldhiga Inuu Sidaas Cabiray ..” Wasiir Sacad Cali Shire
February 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in saldhiga malitari ee Imaaraadka ay Somaliland siisay ay qiimo jabiyeen duruufaha Somaliland ku xeeran oo ay kow ka tahay aqoonsi la’aanta beesha caalamka ka haysata.
Wasiir Sacad ayaa sheegay in aanu war buuxa ka hayn madaxweyne Biixi bixinta madaarka Imaaraadka la siiyay markii uu sheegay in la kireeyay, maadaama oo uu maalmahaas uun xilka qabtay,waxaanu mar labaad ku celiyay in madaarkaas ay Somaliland ku badalatay mashaariic kale.