Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Maamulka Xamar
February 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ku habboon ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, oo shaacisay inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay ku jirto Somaliland.
Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor.