Xaaladda Ay Ku Sugan Yihiin 4 Kamid Ah Maal-Qabeenadii Sucudiga Ahaa Ee Loo Xidhay Musuq Maasuqa
February 17, 2019 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa faafiyay warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin 4 kamid ah maal qabeenadii u dhashay wadanka Sucudiga ee loo xidhay la xidhiidha Musuq maasuqa kuwaas oo dhawaan lagusii daayey lacago madax furasho ah.
Warbixinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dadkii la xidhay intii ay soconeysay xamladii loogu magac daray “ka hortagga musuq maasuqa” ay xabsiga kasoo beexen iyagoo qarka usaaran inay fuqaro noqdan marka loo fiiriyo hantidi ay lahaayeen markii ay xabsiga galayeen.