|
berberatoday.com
“Madaxweyne Boqol Baa Ka Dhimman Tayda”Waa Qiso Runa Oo Dhacday Iyo Xildhibaan Mooshin Quute Ah Oo Ka Sheekeeyay W/Q Yassin Ismail
February 17, 2019 - Written by Berbera TodayMADAXWEYNE BOQOL BAA KA DHIMAN! Sheeko Kale. Waa sheeko uu iiga sheekeeyay nin xildhibaan golaha wakiilada ah oo qirsan inuu Motion quute yahau laakiin si kale fariid u ah indho adag u dhashay oo xigmad badan. Magaciisa ma sheegaayo, laakiin wuxuu iiga sheekeeyay in beri Siilaanyo u yeedhay isaga iyo xildhibaano kale oo garabka kulmiye ah halkaas oo lacag bushqado ku jirta loogu qaybinaayay xildhibaanada si motion ay xukuumadu soo dhigayso golaha beri duuduub loogu ansixiyo. Dabeedna waxan ku soo jeestay buu yidhi madaxweynihii oo hadlaaya waxaanan ku idhi Madaxweyne Tayda boqol baa dhiman e bal tiri. Waa la qoslay buu yidhi. Laakiin Wasiirkii bushqadaha qaybinaayay baa yidhi Waar Waa laguugu dari e dhegayso hadalka madaxweynaha. Waxaan ku idhi buu yidhi oo horta Ma marka horeba miyaynu iimaan qabnay? Maxaa Iimaan la inaga qaadi? Kkkkkk Yassin IsmailCOMMENTS
|
||||
|