Raysal Wasaaraha Itoobiya Abyi Ahmed Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi+Daawo Sawirada
February 20, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu galabta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatey raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed
Kulanka ayaa waxa uu noqon doona kii ugu horeeyey ee ay wada qaataan Madaxweyne Muuse Biixi iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abyi Ahmed.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo war ka soo saarey arintan waxaa uu sheegay in labada Masuul ka wada hadleen isbedelada Geeska ee ay Itoobiya Hormuudka u tahay , arimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo isticmaalka dekada Berbera ee dawalda Itoobiya saamiga ku leedahay