Warshada Saabunta ILAYS Ee Burco Oo Markii Uhoreysay Badeecadeeda Ka Dajisay Dekeda Muqdisho Iyo Wasiirka Ganacsiga Dawlada Xamar Oo Soodhaweeyay
February 20, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warshadda Taydha Ilays ee ku taalla Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer ayaa maanta markii ugu horreysay Dekadda Muqdisho ka soo dejisay wax-soosaarkeeda saabunaha kala duwan.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaana maanta kormeeray oo soo dhoweeyey Badeecaddii ugu horreysay oo ka timid Wershadda Saabuunta Burco ee ILAYS ee Somaliland oo ka soo dhooftay dekedda Berbera kana soo degtay Muqdisho.
