Madaxwaynaha DDS oo Gaadhay Magaalada Sheed Dheer Ee Degmada Aw-Barre
February 21, 2019 - Written by admin
Sheed-dheer(Berberatoday.com)-Waxaa magaalada Sheed dheer ee katirsan degmada Aw-bare lagu soo dhaweeyay Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar.
Soo dhawaynta madaxwayne Mustafe ayaa waxaa ka qayb qayb qaatay masuuliyiinta magaalada Sheed dheer, iyo shacabka magaalada oo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay madaxweynahooda.
Haddaba Madaxwaynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Sheed dheer waxaa kulamo uu la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Sheed dheer.
