Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Weftigii UU Hogaamogaaminaayay Oo Qado Sharaf Ay Usameeyey Masuulyiinta Itoobiyaan Ahi
February 22, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Itoobiya oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi muddo qaatay.