Burundi Oo Ku Hanjabtay Inay Ciidammadeeda Kala Bixi Doonto Soomaaliya
February 22, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay inay la bixi doonto dhammaan ciidammadeeda shanta kun ee ka jooga Soomaliya, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto kunka ciidammada Burundi ee laga saarayo Soomaaliya dhammaadka bishan.
Shan dal oo Afrikaan ayay ciidammo ka joogaan Soomaaliya. Inkastoo ay jirto walaac laga muujinayo in Soomaaliya ay weli ka fogtahay inay cagaheeda isu taagto, haddana heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay labaatan kun ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Soomaaliya. Tifaftiraha BBC ee Afrika, Will Ross, ayaa ku soo warramaya in qorshaha bixitaanka ciidammada uu yahay mid lagu muransan yahay.