Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Weftigiisii Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Kadib Booqasho Laba Cisho Qaadatay Uu Ku Joogay Dalka Itoobiya+Daawo Sawirada
February 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo booqasho laba maalmood qaadatay ugu maqnaa dalka Itoobiya, ayaa maanta kusoo guryo noqday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa markii ay soo cago-dhigteen gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxa safarkooda saxaafadda uga warbixiyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu shaaciyey in wada-hadal midho dhal ah oo guul laga gaadhay uu dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi