Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyay Marxuum Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qeyb Galay
February 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kumanaan ka tirsan dadweynaha ku nool hargeysa iyo dad kale oo ka kala yimid magaalada borama iyo magaalooyin kale ayaa ka qayb galay maanta jimcaha 22.2.2019 aaska alla ha u naxariistee Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo xalay ku geeriyooda magaalan hargeysa . Salaada jinaazada waxaa ku tukaday marxuumka kumanaan qof oo ku tukaday masaajidka Sheekh adam siire , kadibna waxaa lagu aasay Xabaalaha Baqiic . waxaa ka qayb galay aaska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi , wasiiro , gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID faysal Cali waraabe iyo xuno kale ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani , gudoomiye xigeenka baarllamaanka Axmed-yaasiin ayaanle , xildhibano , aqoonyahan , Culimaa’udiin , bahda saxaafadda ,iyo madaxdhaqameedka qaarkood. Madaxweyne Biixi ayaa ku tilmaamay maxamed-rashiid aqoonyahan kaalin weyn ku lahaa halganka iyo horumarinta somaliland . Sheekh adam siire ayaa khudbadii salaada jimcaha gebi ahaan ku soo qaaday maanta sida diinta islaamku u weyneyso qofka dadkiisa ka dhex muuqda dhinaca wanaaga iyo samofalka ee maxamed-rashiid oo kale .
aad ayaa loogu duceeyay alla ha u naxariistee Marxuum saaxiibkay Maxamed-rashiid Sheekh Xasan .
Photo File: Mar hore Bidix; Maxamed-rashiid , Axmed Saciid Cige , iyo Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi