Imaraadka Carabta Oo War Cusub Ka Soo Saarey Maalgashiga Ay Somaliland Ku Sameeyaan
February 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah.
Warsidaha East African Business Week , ayaa daabacday maanta Warbixin ka soo baxday Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI) ee Imaaraadka ayaa shaaciyey in Somaliland hormuud ka tahay dalalka ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Masar.
Dawladda Imaaraadku Waxay caddeysay inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar. Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan.