Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo U Ambabaxay Gobolada Galbeedka Somaliland
February 23, 2019 - Written by admin
Gabiley(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ugu ambo-baxay Gobollada Galbeedka Somaliland ayaa si diiran Loogu soo dhaweeyey deegaannada u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.
Gobolka Gabiley iyo deegaamada laamiga kuyaala waxa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Maamulka gobolka Gabiley, waxgaradka deegaankaas iyo dadweyne tiro badani Waxana Kamid ahaa Deegaamada Madaxweynaha lagu qaabilay Carro-Yaambo, Abaarso iyo Arabsiyo.