berberatoday.com
Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Xarakada Alshabaab Oo Masuuliyada Dilkaas Sheegtay
February 23, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii lagu weeraray gaarigiisa.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa rasaas ku furay mudanaha ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Boqorre ayaa muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka.

Kooxo hubeysan ayaa xildhibaanka toogasho ku dilay isagoo ku sugnaa degmada Kaaraan

Sannadkii 2010-kii ayuu xilka guddoomiye ku xigeenka iska casilay isagoo tallaabadaasna ku sababeeyay arrimo caafimaad.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah siyaasiyiinta tacsida ka diray dhimashada xildhibaankan.

“Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliya oo uu ka baxay. Waxaan ilaahay uga baryeyna inuu janadii ka waraabiyo, aniga oo ugu baaqaya laamaha amniga ee dowladda in ay cadaaladda marsiiyaan soona qabtaan kooxii falkaasi foosha xun fuliyay”, ayuu yidhi Shariif.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cismaan Cilmi Boqorre uu hadda ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee Federaalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay ma’suuliyadda dilkii Xildhibaan Cismaan Boqorre oo galabta lagu diley Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen in ay beegsanayaan xildhibaankasta.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews