Musharaxii Looga Guuleystay Doorashadii Puntland Oo Muqdisho Socdaal Kutagay +Daawo Sawirada
February 24, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhasy Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa Musharaxii Looga guuleystay wareegii ugu dambeeyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee maamulka Puntland.
Asad Diyaano ayaa kusoo baxay doorashadii Puntland ka dhacay 8 Janaayo sanadkaan 2019, waxaana uu yimid wareegii ugu dambeeyay oo aan laga fileysan.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Asad Dyaano, waxaana uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkiisa magaalada Muqdisho.