Daawo Muuqalka”Diyaar-garawga Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Xawli Uga Socda Boorame Iyo Wufuud Ku Qulqulaysa
February 24, 2019 - Written by admin
Boorama(Berberatoday.com)-Diyaar-garaw xooggan oo loogu jiro qabashada shirka golaha dhexe ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ka socda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo uu 25-ka bishan labaad ka furmi dooni shirkaasi.
Ergooyinka kala duwan ee ka qaybgalaya shirka golaha dhexe ee Kulmiye, Masuuliyiin ka socda laamaha dawladda, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo weriyeyaal warbaahinta kala duwan ka socda, ayaa gaadhay Boorama, waxaana weli ku qulqulaya kuwo kale oo badan.
Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shirka ka qaybgalaya, ayaa iyaguna maanta ka baxay Hargeysa oo caawa ku negi magaalada Gabiley oo ay Axadda berri uga ambabixi doonaan dhinaca Boorama.