berberatoday.com
Lix Dumar Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
February 25, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyay lix dumar ah ayaa lagu dilay weerar rag hubeysan ay ku qaadeen koox haweena oo geedka garanwaaga ah ka jarayay laamiga dhinacyadiisa wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, meel aan sidaa uga fogeyn Cisbitaalka Xaawo Cabdi sida uu BBC-da u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamad Ibrahim Barre.

Illo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay gaadhi yar ay yimaadeen halka haweenku ay shaqada ka hayeen dabadeedna ay rasaas ooda kaga qaadeen, waxana halkaas ku dhintay lix dumara, waxayna dableydii weerarka gaystay hore u sii kaxayteen labo kale.

Maamulka gobolka ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeysay dilka lagula kacay haweenka, wuxuna intaa ku daray in ciidanka amaanku ay ku raad joogaan kuwii weerarka gaystay.

Lama oga sababta loo beegsaday haweenkaas ka shaqaynayay ololaha nadaafadda, waxaase hore u dhacday in haween ka shaqaynayay nadiifinta wadooyinka Muqdisho ay la qaraxdo miino ku aasnayd halka ay qashinka ka gurayeen taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay.

 

Source: BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews