Daawo Muuqalka”Magaalada Hargeysa Oo Laga Furay Warshada Mac-Macaanka Casriga Ah Ee “Shaam Sweets+Daawo Sawiro
February 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa magaalada Hargeisa lagu daah-furay warshad casriya oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo Somaliland 22 February, 2019, waxaana maal-galiyey warshadan muwaadin reer Somaliland ah oo arkay baahida weyn ee loo qabo in loo buuxiyo booskaas oo aan hore uga jirin Somaliland.
Shaam Sweets waa Warshad cusub oo casri ah oo soo saarta Mac-Macaanka noocyadiisa kala duwan, waxay wadanka ku soo kordhisay macmaaankii carabta lagu samayn jiray sida Suuriya iyo wadanka Turkey-ga oo dibada la inooga keeni jiray.