berberatoday.com
Millateriga Maraykanka Oo Ka Warramay Afar Duqeymo Ay Ku Fuliyeen Gudaha Dalka Somaliya Iyo Tiro Sartaakiisha Alshabaaba Oo Ku Dhintay
February 25, 2019 - Written by admin

Somalia(Berberatoday.com)-Millateriga Maraykanka, ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya shalay oo ku beegnayd 23-kii bishan Febraayo ee aynu ku jirno.

 

Marayanku, wuxuu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle.

Sidoo kale, Millateriga Maraykanku sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.

Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee millatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan.

Wararka ka imanaya gobolka Bay ee Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dawladda uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabab. Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay ciidanka weerareen iyaga oo kusii jeeda Daynuunay.

Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu aasay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay magaalada Muqdishu. Xildhibaanka waxaa dilkiisa sheegtay maleeshiyada Al-Shabab. Mas’uuliyiinta dawladda iyo xildhibaannada ayaa cambaareeyey dilkaas.

Xigasho VOASomali.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews