Mareykanka Oo Shaaciyay In 35 Dagaalyahan Oo Ka Tirsan Ururka Al-shabaab Ku Dileen Duqeyn Ay ka Fuliyeen Gobolka Hiiraan.
February 26, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Taliska ciidamada Mareykanka ee AFricom ayaa qoraal ay ku baahiyeen boggooda Twitter –ka waxaa ay ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen 24kii bishan deegaanka 23 mile u jira magaalada Beledweyne ku dileen 35 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
“Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM.
