Qarax Dad Badani Ku Nafwayeen Oo Muqdisho Ka Dhacay Imika
February 28, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa midkii ugu xooganaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay kadib markii gaariga qarxay iyo ruuxii waday ay soo gaareen goob lagu baarayay gaadiidka oo u dhow Saldhiga degmada Waaberi oo saaran wadada Maka Al Mukarama.
Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga ay eryanayeen ciidamada amaanka, waxaana markaasi ruux rayid ahaa lagu dilay dalcada xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib la sheegay inuu goobta ku qarxay gaariga.