Guddida Ka Garnaqa Dhulka Hargeysa Oo Sharci Darro Ku Sifeeyey Xayiraadda Maxkamadda Degmada Hargeysa Saartay Dhul Ku Yaalla Masalaha
April 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddida ka garnaqa Dhulka ee Gobolka Maroodijeex, ayaa sharci darro ku tilmaamay dhul ku yaalla xaafadda Masalaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay maxkamadda Degmada Hargeysa Xayirtay, taas oo uu soo saaray garsoore Xasan Cabdillaahi Cawaale oo ka tirsan Maxakamadda gobolka Hargeysa.
Xildhibaan Ilyaas Xuseen Jaamac oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, xubinna ka ah guddida ga garnaqa dhulka ee Gobolka Maroodijeex, ayaa sharci darro ku sifeeyey xayiraadda ay maxkamadda Degmada Hargeysa ku soo rogtay dhulkan garoonka ah ee ku yaalla masalaha oo ay ku muran sanyihiin wasaaradda ciyaaha oo ku doodaysa in uu garoon yahay iyo qof shacab ah.