Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Filayo Inay Kulmaan Iyo Dalalka Tartanka Ugu Jira Inay Martigeliyaan Kulankaasi
March 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Sweden iyo hay’adda The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD), ayaa wada dedaalo la isugu soo dhawaynayo wada hadal u furma madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Xoggo diblomaasiyadeed oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ay labaduba mabda’a ahaan aqbaleen in dib loo furo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda taagan, waxase aan weli la isla qaadan halka ay ka dhacayaan iyo wakhtiga ay qabsoomi karaan.