“Waa Inay Goobahaasi Kaga Guuraan Muddo Bil Ah….” Xukuumadda Somaliland Oo Xarumaha Dawladda Ka Raraysa Shacabka
March 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyaynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Ayaa Ku Wargaliyey Dadwaynaha Degan Xurumaha Wasaaradaha Iyo Hay’dadaha Dawladda Xayndaabkooda Inay Ka Guuraan.
Sidaasna Waxa Uu Ku Sheegay Warsaxafadeed Uu Soo Saaray Ayaa U Qornaa Sidan:
“Waxa Lagu Wargalinayaa Dhammaan Muwaadiniinta Degan Xarumaha Wasaaradaha Iyo Xay’daha Dawladda Xayndaabkooda Inay Ka Guuraan Goobaha Ay Ka Degan Yihiin, Maadaama Suurto Gal Ahayn In Ay Is Dhex Deganaadaan Hay’daha Dawladda Xafiisyadooda Iyo Shicibku.