Ujeedada Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Galabta U Dhoofay Dalka Jabuuti
March 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda jabuuti ayaa masuuliyiin iskugu jira wasiiro iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga taladda dalka haya ee kulmiye casuumad rasmi ah u soo dirtay,taasi oo ay u soo marisay saafaradda somaliland ku leedahay dalka Jabuuti.
Masuuliyiinta Dawlada Jabuuti Soo Casuuntay ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Ay Wehelinayaa Masuuliyiin xisbiga kulmiye ka tirsan,waxaana ay wararku sheegayaa in ay kulamo la yeelan doonaan madaxwaynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.