Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Sheegay In Madaxweynaha Dawlada Xamar Farmaajo Uu Qorshaysanayo Mudo Kordhin Xukumadiisa Loo Sameeyo
March 3, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir ee dalka soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay natiijada kulamo uu la yeeshay wakiilada beesha caalamka iyo siyaasiyiin soomaali ah.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray waxa kale oo uu kaga hadlay qorshe mudo kordhin ah oo dawladu doonayso iyo talaabooyinka la gudboon ee looga baahan yahay in xukuumadu ay qaado.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku bilaabay
“Labadii toddobaad ee ina dhaafay kulamo aan la yeeshay siyaasiyiin isugu jira madaxweynayaal dawlad Gobolleedyo xilka haya iyo kuwo hore, hoggaamiyayaal xisbiyo, xildhibaanno labada aqal ka tirsan iyo xubno beesha caalamka ka mid ah; waxey dhammaantood si isku mid ah walaac uga qabaan qabsoomidda doorashada 2020. Sababtuna waa in aysan muuqan saansaan dalka doorasho looga qabanayo.”