Sheekh Aadan Sune Oo Muddo Laba Sanno Ah Xidhan Oo Saaka Xaalad Caafimaad Loo Geeyey Cisbitaal Hargeysa Ku Yaala
March 3, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Sunne oo muddo ku dhow laba sanno ku jira jeelka Hargeysa, ayaa saaka la geeyay cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.
Ehellada sheekha ayaa sheegay in caloosha dhaawac kasoo gaadhey markii ay qabanayeen ciidamada RRU-da, oo uu gurigiisa kasoo xidhay.
