Maareeyihii Telefishanka Qaranka Somaliland Muuse Faarax Jaambiir Oo Ka Hadley Xilka Laga Qaadey
March 4, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maareeyihii xilka laga qaaday ee telefishanka Qaranka Somaliland Muuse Faarax Jaambiir ayaa ka hadlay xil uu wasiirka warfaafintu u magacaabay oo uu ka cudurdaartay inuu qabto iyo sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyey.
Maareeyihii hore ee telefishanka qaranka Muuse Faarax Jaambiir waxa oo uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo waxyaabaha ay salka ku hayso xil ka qaadista lagu sameeyey.
