Laascaanood: Maamulka Iyo Booliiska Oo Amar Adag ka Soo Saaray Dhulka Oo Murankiisu Batay
March 4, 2019 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Amar lagu mamnuucayo calaamadinta iyo dhismaha dhulka ayaa si wadajir ah ay u soo saareen maamulka dawladda Hoose ee Degmada Laascaanood iyo Ciidammada Booliiska ee Gobolka Sool.
Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maamulka Dawladda Hoose iyo Boolisku ayay ku sheegeen in ciddii talaabo dhul aanay fasax u haysan qaadda ay la kulmi doonaan ciqaab.
Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan ayaa shacabka uga digay inay isku dayaan inay qaataan dhul aanay sharci u haysanin “Ciddii madaraq ku dhufata dhul aanay fasax u haysan tallaabo ayaan ka qaadaynaa, waxaana ay mutaysanayaan ganaax iyo xadhigba, ciddii dacwad qabtaana waa in ay dawladda hoose la xidhiidhaan iyagoon tallaabo qaadin” ayuu yidhi, Maayarku