Duufaan Ku Dhufatay Maraykanka Oo Dishay Dad Ka Badan 20 Qof
March 4, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 22 ruux oo qaar ka mid ah ay carruur yihiin ayaa dhintay ka dib markii ay duufaan xoog badan ku dhufatay deegaanka Lee County ee gobolka Alabama.
Jay Jones oo ka tirsan masuuliyiinta deegaankaas ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dhibaatadu ay intaas ka sii badankarto, gurmadkii degdegga ahaa ayaa la baajiyay tan iyo waabariga ka dib markii laga baqay halista ka dhalan karta in baadigoobka la sii wado iyadoo uu dhulku mugdi yahay.