Daawo Muuqalka”Aljazeera Oo Shaacisay Xog Yaab Leh Oo Ku Saabsan Qaabkii Loo Gubay Meydka Weriye Jamaal Khaashuqji
March 5, 2019 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baaritaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib.
Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay.