Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Oo Wada Jir Ugu Dhoofay Dalka Kenya Iyo Wada Hadalo Sadex Geesood Oo Nairobi Ka Bilaami Doona
March 5, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dawlada Xamar Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goor dhaweyd u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.
Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaweyd soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.