”Farmaajo Gor Gortan Kama Gali Karo Muranka Badda..” Profesor Cabdi Ismaacil Samatar”Daawo Muuqal
March 6, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda.
“Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah,” ayuu yidhi professorka.
Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan.