|
berberatoday.com
Qaramada Midoobay Oo Dawlada India Uga Digtay Cadaadiska Ay Ku Heyso Muslimiinta
March 7, 2019 - Written by admin![]() Mumbai(Berberatoday.com)-Warbixinta sanadlaha ah ee kasoo baxday guddiga Xaquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shalay si adag loogu cambaareeyey cadaadiska xukuumada Hindida ku heyso Muslimiinta iyo dadka kale ee laga tiro badan yahay. Xukuumada Raysalwasaare Narendra Modi iyo taageerayaasha Xisbi Xaakimka dalkaasi ee Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hinduga Xagjirka ah ayaa lagu eedeeyey danbiyo badan oo ay ku jiraan weerarada lagu qaado xarumaha muslimiinta, kufsi iyo dilal wadankaasi ka dhacay oo loo geystay muslimiinta iyo dadka laga tiro badan yahay ee loo yaqaan Dalits. ![]()
Horey ayey hay’adaha xaquuqul Insaanka warbixino noocaan ah uga soo saareen xaalada ay ku jiraan Muslimiinta India. ![]() Amnesty International xafiiska ay ku leedahay India ayaa Salaasadii soo saaray warbixin dheer oo looga hadlayo falalka ka dhaca dalka India, waxaana lagu xusay qoraalkaasi in sanadkii tagay ee 2018 ay dalkaasi ka dhaceen 218 weerar oo loo geystay Muslimiinta iyo qawmiyada Dalits-ka. Falalkan ayaa la sheegay inay sii dhiirigelisay hab-dhaqanka Xukuumada India oo aan wax badan ka qaban dadka geysta weerarada isir-naceybka ah.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|
|
|||||