berberatoday.com
Akhriso Qisadda Heesta Onkod Roobku Ma Daayo” Qalinka Khadar Jacayl
March 7, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah Abwaanadda Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyey qisadda ay ku timi heesta Onkod ee uu ku luuqeeyo Fannaanka Cabditahliil Warsame. Islamarkaanna wuxuu sheegay in qisadda heestu ka dhalatay gabadh uu jeclaa oo calafka iyo nasiibku waydaariyeen.

Abwaanku wuxuu sheegay in heesta onkod ahayd hees calaacal ah oo laxanka iyo luuqdanna uu ku daray Fanaan Cabditahliil Warsame.

Abwaanka oo ka sheekaynaya qisadda heesta onkod ku timi wuxuu yidhi “Heesta Onkod waxay ahayd hees jacayl ah oo waxa layga guursadday Gabadh aan jeclaa oo calafka ilaahaybaa wax is-dhaafiyaa iyo nasiibka.Marka duulimaad baan ahaa oo waan iska calaacalayay oo nin-baa taagtii ha talaabsaddo. Heesta waxa luuqda iyo laxaanka saaray Cabdi-tahliil Warsame.”Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Bidde 

Hadaba halkan ka dheeho heesta oo dhammaystiran

Onkod roobku madaayo

aarna taaha madaayo

anna taa ma ilaawoo

jacayl ood rogan maayo

oon hilaac bi in maayo

ayro weerar madaayo

ninlihi aamusi maaayo

ergo geesi madiidoo

ilaah tiisu ma oosho

calaf la iska ma ooto

ubax dayr ma qarsoomo

godka lay iskuma aayo

ifka la isu tudhaayee

iilka la isma gar gargaroo

aboor la iskama baajee

nabsi hayga amaahan

axdigii ina dhex yiiliyo

ha iloobin aqoontee.

Asaagay usha toosan

iyo ooda hagaagsan

hayiinkii asabaadee

madigii afar deeqa

inantiina ilwaadsan

ee asluubi u dheer tahay

sidaan u asteysto

kuu eegana yaaye

hadaan aamin idhaahdo

waa aqoonta haweene

oo rag iiga danbeeyo

halka ay ka cawayso

uur ku taalada maada

arimidiisa jacaylka

anigu soo dhaxli maayo

nabsi hay iga amaahan

axdigii ina dhex yiiliyo

ha iloobin aqoontee.

Sida oogta hilaaca

ileyskeeda cadceeda

amaantaada libaaxa

malaa waanad ogeyne

ayaan uurkiyo maanka

wadnahayga agtiisa

sida aayad ku taalaa

uumiyaha u tusaayee

haadii aanu ibleysku

iga kaa anbineynin

inaad ii tudhi weydo

eegi maayo koley

arin kuuma hambeynee

araartii haku deeqdo

sina hayga adkeysan

nabsi hayga amaahan

axdigii ina dhexyiiliyo

ha iloobin aqoontee

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews