“Miskiinkan Farmaajo Horta Ma Geenyadii Bixin Ee Markay Ceelka Timaadoba, Iyadoon Biyihii Afka Saarin Ninkii Doonaaba Ku Dhacayay Baa”!Cali Guray.
March 8, 2019 - Written by admin
HAN YARAA TOLKAY!
(Orgi fuulayaa iyo qabaal miig ka dhiganaaba)
Waar miskiinkan Farmaajo horta ma geenyadii Bixin ee markay ceelka timaadoba iyadoon biyihii afka saarin ninkii doonaaba ku dhacayay ee markuu halkii uu rabay ku gaadho ee hadana soo aroorto mid kale leedada ku fuulayay iyadoo biyo kabbanin baa. Ma waxaynu aragnay Madaxwayne dal booqday oo Madaxwaynihii ama Ra,iisul Wasaarihii xukumay ku yidhaa soo fuul dayuuradda aniga idin heshiisiinaya Madaxwayne kale eh? oo haye intuu yidhaa shidhka lagu qaato oo muraadkii la doono marka laga soo dhamaysto lagu yidhaa taw dheh hadaba oo ku noqo dalkaagii. Hadda Abiye Axmed ayaa Addis Ababa ka qaatay oo intuu ula tegay ninkii Kuukuuyo ee madaxwaynaha Kenya sidii uu doonayay u ogolaaday in khilaafka Kenya iyo Somaliya ee xadka biyo-badeedka aan sharciga caalamiga ah lagu dhamayn ee hoos hoos gacanta la isugu dhiibo.