Ilhaan Cumar Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Brack Obama “ Wuxuu Ahaa Dilaa Dhoola Caddeeya “
March 9, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka BracK Obama oo ay iskala tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.
Ilhaan ayaa Obama ku sifeysay ruux ay kala duwan tahay ficiladiisa iyo muuqaalka aad ka dheehan karto wajigiisa, iyadoo ku tilmaamtay nin dilaa ah, hadana dhoola Caddeeya.
Hadalkan waxa ay ku sheegtay wareysi ay siisay Wargeyska Politico magazine, iyadoo isbarbar dhig ku sameyneysa maamulada Obama iyo Trump.