Kuuriyada Waqooyi Ma Waxa Ay Dib U Billaabi Rabtaa Tijaabinta Gantaallada?
March 9, 2019 - Written by admin
Pyongyang(Berberatoday.com)-Sawirro uu qaaday dayax gacmeed dulmaray xarun ku taal meel u dhow caasimadda Pyongyang ayaa muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarinayso inay tijaabiso gantaal ama ay hawada sare u dirto satellite.
Warkan ayaa ku soo beegmaya maalma uun ka dib markii ay laba xarumood oo cilmi baarista ah oo Maraykanka ku yaal ay sheegeen in dalkaasi uu dib u dhisay goob gantaallada laga riddo.
