China Oo Sameeyay Robot-kii U Horreeyay Ee War ka Akhriya Shaashada T.V-ga !
March 9, 2019 - Written by admin
China(Berberatoday.com)-Wakaaladda cusub ee Wararka Dalka Shiinaha ee Xinhua Reported ayaa waxa ay soo bandhigtay Suxufiyadii ugu horreysay ee aan Aadmi ama Qof aheyn ee shaashada T.V-ga si toos ah uga akhrida warka.
Suxufiyadan Reobot- ka ah ayaa waxa ay si toos ah u akhriyeysaa warka waxaana aad u layaab badan xarakaadka iyo tilmaamaha indhaha iyo gacmaha ee ay ku ladhayso tabinta warka, waxa aanay sidaa awgeed aad u shabahdaa Haweenka Suxufiyiinta caadiga ah ee shaashadaha T.V-yada ka baahiya Wararka.