berberatoday.com
Wasiir Isku Casilay Arin Ugub Ah
March 10, 2019 - Written by admin

Tunis(Berberatoday.com)-Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la’aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso.

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo cisbitalkaasi ay dowladdu maamusho gaar ahaan farmashiyaha iyo habka faya-dhowrkiisa.

Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta carruurta ee Tunisia ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inay suuragal tahay in caabuqa ilmaha dilay uu ka dhashay waxyaabaha lagu duray.

Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay “xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan hawlwadeennada caafimaadka”.

Adeegga caafimaadka Tunisia ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan Waqooyiga Afrika, waxaana dakhli wanaagsan uu dalkaasi ka helaa dadka caafimaadka uga soo doonta dibedda.

Balse tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Zayn al-Caabidiin Bin Cali sanadkii 2011, daryeelka caafimaad ee Tunisia ayaa waxaa ragaadiyay dhibaatooyinka dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah oo ay uga sii dartay dawo yaraan soo noq-noqotay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews