Daawo Muuqaala”Soo Dhawayntii Waftiga Madaxwaynaha Jsl Madaarka Abu Dhabi Ee Dalka Imaraadka Carabta!
March 10, 2019 - Written by admin
Abu-dhabi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay waddanka imaaraadka carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay wadankaas Madaxweynuhu maantana ugu safray Imaaraadka Carabta.
Waxaana madaxweynaha si meeqaam sare leh ugu qaabilay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.