Madaxweynaha Ugnada Oo Ku Hanjabay In Ciidamadiisa Uu Kala Baxaayo Somaliya
March 10, 2019 - Written by admin
Kampala(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dalka Yuganda Yuweri Musavene, ayaa waxa uu ku hanjabay in Ciidamada ka jooga Somaliya uu la bixi doono,haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u soo jeediyaan in la dhimo tirada Ciidamada Yuganda ee ka howlgala Somaliya.
Madaxweynaha Yuganda ayaa sheegay in asiga oo shakhsi ah ugu wareejiyay Golaha Ammaanka 6,400 Askari ee hadda jooga Somaliya uu la baxayo haddii Goluhu uu amar ku bixiyo in la dhimo Ciidamada Yuganda.